U bood dhigaalka

Dowladda Canada oo Deeq Lacageed Siinaysa Shacabka Falastiin, Kadib Duulaanka Israel

Dowladda Canada ayaa sii daysay Yabooh lacageed oo gaara 10 milyan oo dollar oo lagu caawinayo dadka rayidka ee ku waxyeeloobay colaada ka taagan Qasa ee dhulka reer Falastiin oo duulaan ay ka wado Israel.

Wasiirka Horumarinta Caalamiga ee Canada Ahmed Xuseen ayaa bogiisa X oo hore u ahaan jirtay Twitter ku soo daabacay in deeqdan Canada ugu talagashay in loo adeegsado cunto, biyo, gargaar caafimaad oo degdeg ah.

“Hal arrin ayaan rabnaa inaan cadeyno. M jiro gargaar Canada ka imaanaya oo la siinayo Xamaas”, ayuu yiri Xuseen. “Sidoo kale waxaan ka walaacsan nahay xiisadda ka tagaan Qaza ee u dhaxaysa Israa’iil iyo Xamaas taas oo waxyeelo balaaran gaarsiiyey dadka rayidka ah”

Wuxuu sheegay in mudnaanta kowaad ay siinayaan badbaadinta dadka rayidka ah,isagoo ku adkaystay baaqooda ku aadan u hoggaansanaanta sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada.

” Waxaan ku boorineynaa dhammaan dhinacyada in ay si firfircoon u fududeeyaan marinka in la furo si gargaar loo gaarsiiyo rayidka u baahan si lagama maarmaan ah”ayuu qoraalkiisa Xuseen.

Isaga oo sii adkeynayay baaqiisa ku aadan in si aan xadidaad lahayn loo furo wadooyinka gargaarka ayuu yiri wasiir Xuseen:

“waxaan, hoosta ka xariiqayna mas’uuliyadda wadajirka ah ee aan ku ilaalineyno mabaadi’da bani’aadamnimada iyo sharafkaba, iyo ilaalinta dhammaan ballan-qaadyada maalgelineed ee aan sameynay ee bilowga ah”.

Dhanka kale waxay dawladda Canada u baroordiiqday dadka rayidka ee aan waxba galabsan ee colaada ku dhintay oo ay ku jiraan muwaadiniin Canadian ah iyo shaqaalaha gargaarka. “Waxaan ku baaqayna in aan la xadidin marinka” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Dawladda ayaa mawqifkeeda ku sheegtay inay labada dhinacba ixtiraan xeerarka caalimga ah ee ka yaalla xaqdhawrista dad biri-magadeydada ah xilliyada ay jiraan dagaaladu.

“waxaan ku celinayaa mar kale mowqifka Canada kaas oo an markasta ku taganahay colaad kasta, anagoo dhinacyada ku boorinayna inay ixtiraamaan sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimad” ayuu yiri Wasiir Ahmed Xuseen.

Dowladda Canada Taageerada ay siinayso dadka reer Falastiin ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli wadamada reer Galbeedka ah intooda badan ay taageero u muujiyeen Israel, kuwaas  oo ay ugu horeyaan dalalka Maraykanka iyo Canada.

Goobjoog News