U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Xamse oo Gaaray Dooloow, una Kuurgalay Xaaladda Banii’aadnimmo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ayaa maanta socdaal Ku gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo isaga oo u kuurgalay xaaladda banii’aadnimo ee halkaasi ka jirtay kuwaasi oo ay sababeen fatahaadaha.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow si diirran ugu soo dhaweeyey Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Dowlad Gobolleedka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, masuuliyiin ka tirsan dowlad-gobolleedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Doolow iyada oo soodhoweynta kadib hadal kooban uu ra’isul wasaare Xamse halkaasi kajeediyay ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku jirto heegan, waxa uuna xusay in goobaha la isaga gudbi waayey ay dowladdu gaarsiisay dooman magaalooyinka qaar ee dalka.

“Daadadku weli way socdaan, dadka in ay meeshaan ku soo noqon ayaa loo baahan yahay oo ay ka digtoonaadaan, in la iska warqabo ayaa loo baahan yahay, illaahay idinkiis waan dadalaaynaa,” sida uu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo la hadlayay shacabka ku dhaqan magaalada Doolow ee Gedo.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sidoo kale ballan qaaday in safarro kale uu ku imaan doono magaalooyinka kale ee Gobolka, wuxuuna sheegay in Dowladda Soomaaliya ay sida ugu dhakhsiyaha badan ku dhisayso buundooyinka Baardheere, Buurdhuubo iyo Luuq si loso celiyo amniga, Nolosha iyo isu socodka dadka .
Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo beegmaysa xilli guud ahaan gobollada dalka ay ka da’een Roobab wata fatahaado, waxaana xaaladdii ugu adkeyd wajahaya gobolka Gedo, kadib markii fatahaad iyo daadad ay isugu darsameen magaalooyinka qaar ayaa kala go’ay marka la eego sida uu u saameeyay.