U bood dhigaalka

Hiiraan: Shabaaab oo 60 Laga Dilay

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxay howlgal ay iska kaashadeen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadooda caalamiga ah oo laga fuliyay deegaan hoostaga magaalada Halgan ee gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle taasi oo lagu dilay ilaa 60 ka tirsan Shabaab.

Howlgalka oo si gaar ah loogu bartilmaameedsaday dagaalyahanno Shabaab oo ku tuulada Hela Bacaad ee Halgan ayaa la sheegayaa in khasaaraha uu isugu jiro naf, hanti iyo qaar kale.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howlgalka uu ahaa mid saacado badan qaatay, islamarkaana ciidamada ay sidoo kale ku burburiyeen fariisimo kooxdu ku laheyd tuulada.


Howlgalkaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhowaan ergayga arrimaha ciidamada deegaanka Cali Jeyte Cismaan uu ku dhawaaqay in howlgallo laga bilaabayo deegaanno dhaca Hiiraan oo ay ku sugan yihiin kooxda Al-shabaab.