U bood dhigaalka

Koonfur Galbeed:Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgallo Fuliyay

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Goof-gaduud Buurey” ee dhaca gobolka Baay, kadib markii Halkaas uu ka dhacay weerar Al-shabaab ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa xoogga iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed oo ku sugnaa.


Howlgalkaan ayaa waxaa hogaaminayay Taliyaha Ururka 47-aad Ee Guutada 8aad Qeybta 60aad Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka somaaliyeed X/le Ahmed maxamednuur (Ahmed Dhagey), waxaana uu ahaa mid lagu xaqiijinaayey amniga guud ee Goof-guduud Buurey.

Howlgalkaan ayey ciidanku ku gaareen deegaannada: Saydheelow, Habxirow, Buurta Qod’qode ,Calamka, Warta Dollar iyo Weeley, halkaas oo ahayd goobo laga diiwaangeliyo xubnaha kamid noqonaya Al-shaaab sida ay sheegeen saraakiisha howgalka fulinaysay.
Deeganka Goof-gaduud Buurey ayaa waxaa dhowaan ka dhacay weerar lagu qaaday goobo ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed, ciidanka oo arrintaas ka jawaabaya aya qaaday howlgallo ay kula wareegeen deegaanno weerarka looga soo qaaday.