U bood dhigaalka

Galmudug iyo Hirshabeelle oo Furitaankii Tartanka Dhibcaha Ku Kala Qaatay Ciyaartii Soo Idlaatay

Tartankii maanta lagu daahfuray ciyaartooyda ka kala socotay maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa kusoo idlaatay 1 1 oo labada koox min hal dhibac ay ku kala qaateen ciyaar xiisa badan oo galabta ka dhacday garoonka Muqdisho Stadium.

Ciyaarta galabta oo furitaan u aheyd tartanka dowlad goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa daahfuray Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre, halka mas’uuliyiin kale duwan ay ku sugnaayeen garoonka kuwaas oo goobjoog ahaa ciyaarta.

Ciyaarta oo aheyd mid aad u xiiso badan oo dhinacyadu weerarro kale duwan iyo weerar celi ay isku qaadeen kooxda Galmudug ayaa hoggaanka qatay, waxaana ay goolka oo yimid qeybtii hore daqiiqadii 21-aad uga mahadcelinayaan da’yarka Maxamed Siciid Aadan.

Ciyaarta markii qeybtii dambe dib la isugu soo laabtay dhammaadkii ciyaarta oo dhiman 2 daqiiqo oo qura waqtigii loogu talo galay qalad uu goolhayaha Galmudug uu galay ayaa lagu xiqaabay waxaa ka faaiideystay Yaasiin Cabdiraxman Yuusuf oo dhaliyay.

Koobkaan ayaa la ciyaari doonaa bisha Janaury 2024, sanadkaan ayaa tartanka waxaa ka jira hardan aad u adag oo aan la ogeyn cidda ku guuleysan karta wallow aan Meesha laga saari Karin in sanadkaan mar kale gobolka Banaadir uu isku dayayo inuu difaacdo tartanka