U bood dhigaalka

Shabeellada Hoose: Xubno Shabaab oo la Dilay

Howlgal qorsheysan oo laga fuliyay deegaan lagu magaaco Nuur Garre oo hoostaga degmada Owdhiigle ee gobolka Shabeellaha hoose ayey dowladda Soomaaliya sheegtay in lagu dilay laba horjooge ka tirsan Al-shabaab sida lagu sheegay bayan kasoo baxay dowladda.

Howlgalkaan oo ay iska kaashadeen ciidanka Kumaandooska xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa lagu dilay Cumaraani Maxamed Malaaq oo ahaa horjoogihii deegaanka Bariire iyo Saabir oo la sheegay inuu u qaabilsanaa uruurinta lagacaha sida la sheegay.

Howlgalkan ballaaran ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Soomaaliya ay Koonfuf Galbeed ka bilaabayso dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana muddooyinkaan soo baxayay howlgallada dhanka circa ah ee laga fulinayay Shabeellaha hoose.