U bood dhigaalka

Kooxda Gobolka Banaadir oo Koonfur Galbeed Ka Qaadatay 3 Dhibcood

Kooxda ka socotay Maamulka gobolka Banaadir ayaa si dirqi ah kaga adkaatay kulankeedii ugu horeeyay dhiggeeda Koonfur Galbeed ciyaar xiiso badan oo ka dhacday tuulada ciyaaraha ee Stadium Muqdisho.

Labada kooxood oo soo bandhigay ciyaar aad u sareysay ayaa qeybtii hore isku mariwaayey goolal la’aan, waxaana daqiiqadii hore ee qeybta dambe Banaadir ay la yimaadeen goolka uu dhaliyay kabtan Khaalid.

Kooxda gobolka Banaadir ayaa noqotay kuwii ka helay guushii ugu horeysay, xilli ay iyagu yihiin difaacadayaasha tartanka, maadama ay sanadkii ugu dambeeyay ay qaadeen, Koonfur Galbeed oo guul darro ku furatay.

Kulanka 3-aad ee tartanka waxaa isku wajihi doona kooxaha Galmudug oo wadata 1 dhibac iyo kooxda Jubbaland oo ciyaareysa kulankeedii koowaad, waxaana ay tahay ciyaar aad u xoosa badan marka la la eego.