U bood dhigaalka

Tartanka Dowlad Goboleedyada oo Dib u Bilaabanay, Yaa ku loolamaya Galabta?

Waxaa maata markale dib loo ambaqaadayaa tartanka xiisaha badan ee dowlad goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir, kaas oo hakad galay labadii maalin ee lasoo dhaafay, xilli maalinimadii jimcaha sirasmi ah loogu daahfuray Galmudug iyo Hirshabeelle oo barbarro galay.

Kulanka galabta oo leh xiiso gaar ah ayaa waxaa isku wajahaya kooxda maamulka gobolka Banaadir iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya, kulanka ayaa ka dhacaya Muqdisho Stadium, kaas oo martigelinaya sanadkii ugu horeeyay tartanka ayaa hore kaga dhici jiray garoonka X Koonis.

Tartanka ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay waxaa uu hakad u galay kadib markii isbedel lagu sameeyay jadwalka tartanka, gobolka Banaadir oo difaacanaya tartanka ayaa doonaya in guul ka gaaraan Koonfur Galbeed, xilli dhankooda ka dagaalamayaa guul darro xiriir ah oo gaarta.

Tartanka dowlad goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa la daahfuray 2016, sanadkaas ayaa waxaa ku guuleysatay kooxda maamulka Puntland ka socotay, Banaadir ayaa ah daafacadayaasha tartanka, waxaana tartankii ugu dambeeyay ay ka adkaadeen Galmudug.