U bood dhigaalka

Dowladda Masar: Waa in la ixtiraamo Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Dowladda Masar ayaa maanta lagu sheegtay in loo baahan yahay in si buuxda loo ixtiraamo midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Warmurtiyeedka ayaa lagu sheegay: “Jamhuuriyadda Masar waxay ka soo horjeedaa tallaabo kasta oo wax u dhimaysa qarannimada Soomaaliya”, iyadoo ku nuuxnuuxsatay in dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda oo kaliya ay xaq u leeyihiin inay ka faa’iidaystaan kheyraadkooda.
Jamhuuriyadda Masar ayaa aad uga mahad-celisay bayaannada ay soo saaraan dalalka gobolka iyo kuwa caalamkaba, kuwaas oo dhinac uga soo horjeestay tallaabooyinka lidka ku ah xasilloonida Geeska Afrika, siina xoojinaya xiisadda u dhexeysa dalalka gobolka.

Masar ayaa adkaysay baahida loo qabo in la ixtiraamo shuruucda u degsan Midowga Afrika, oo ay ku jiraan difaaca madax-bannaanida dhuleed ee dalalka xubnaha ka ah iyo mabaadi’da Midowga oo qeexaya in la ixtiraamo xuduudaha dalalka xubnaha ka ah..