U bood dhigaalka

Kooxda Jubbaland oo Qaadatay Guuldarradii Labaad oo Xariir ah, Kadib Ciyaartii Koonfur Galbeed

Sheeko:Cayaaraha

Kooxda kubadda cagta ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa guuldaradii labaad oo xariir ah ka qaadatay tartanka maamullada, kadib ciyaar xiiso badan oo ay la qaadatay dhiggeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya oo 2 1 ku garaacday, ciyaartii ka dhacday garoonka Stadium Muqdisho.

Jubbaland oo qeybtii koowaad ku soo idlaatay 0 0 ayaa labada dhinac tashi kadib waxaa qeybta labaad gool la hormartay Jubbaland, laakiin ma noqon mid sii raagay, Koonfur Galbeed ayaa la timid goolka bareejada iyo goolka guusha, taas oo ka dhigtay 3-dii dhibac ugu horeysay helaan.

Jubbaland ayaa halis ugu jirta in ay tartanka isaga harto marka loo eego labada kulan ee u haray oo aad u adag, waxaana ay la kala ciyaari doontaa kooxda gobolka Banaadir iyo Hirshabeelle oo shalay ciyaarteedii labaad guul heshay iyadoo hoggaaminaysa kala sareynta tartanta soconaya.