U bood dhigaalka

Muqdisho: Korneyl Suulnuug oo La Aasay

Allah unaxariistee Abaanduulihii guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor ee xoogga dalka oo shalay ku shahiiday Dagaalka Al-shabaab lagula galay Koofurta Gobolka Mudug ayaa maanta lagu aasay Qabuuro ku yaala Magaalada Muqdisho.

Saraakiil, Mas’uuliyiin iyo boqolaal dadweyne ah ayaa ka qeyb galay aaska Alle ha u naxariistee Korneyl Cabdi Maxamed Sheikh Xasan (Suulnuuge) waxaana allaah ay uga baryeen boqolaalka aaskiisa ka qeyb galay inuu Shahaadada u aqbalo.

Allah unaxariistee Korneyl Cabdi Maxamed Sheikh (Suulnuuge) ayaa ku geeriyooday dagaal ka dhacay deegaanka Jeexjeexa, halkaas uu dhaawac kasoo gaaray, isaga oo ku geeriyooda Wisil oo dhaawac lagu geeyay halkaas Korneyl Suul-nuug.