U bood dhigaalka

Beledweyn: Dad Lagu Qabtay Howlgalka NISA

Ciidanka Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka oo Hawlgal amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa soo qabtay tiro dad ah, kuwaas lagu tuhunsan yahay iney ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab.

Dadka lasoo qabtay ayaa hey’addu sheegtay in ay ahaayeen shabakad Al-shabaab ah oo ka howlgasha gobollada Galgaduud iyo Hiiraan, sida lagu shaaciyay bayaan kasoo baxay hey’adda NISA, waxaana intaa lasii raaciyay in howlgalladu ay sii socon doonaan.

Magaalada Baladweyne ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ciidanka hey’adda oo kaashanayaa kuwa Booliiska ka wadeen howlgallo amniga lagu xaqiijinayo, xilli lagu soo qabtay tiri dad ah, kuwaas oo lala xiriirinayo iney ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab.