U bood dhigaalka

Tartanka Kubadda Cagta ee Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo Dib loo dhigay iyo Baarist Socota

Sheeko:Cayaaraha

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya iyo Wasaaradda dhallinyada ciyaaraha ayaa muddo sedex maalin ah dib u dhigay tartanka dowlad goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir, iyada oo la isku soo laaban doono maalinta talaadada ah oo ay wada ciyaarayaan kooxda Jubbaland iyo Hirshabeelle.

Dib u dhacan ayaa yimid kadib markii habeenimadii xalay la weeraray bas ay saarnaayeen ciyaartooyda kooxda Koonfur Galbeed Soomalaiya, kadib ciyaartii ay la qaateen Galmudug, waxaana dhaawac kasoo gaaray tiro ciyaartooy ah oo gaareysa ilaa 9, halka 2 kamid ah uu soo gaaray dhaacaw daran sida la wariyay.

Wasaaradda CIyaaraha Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqday in gabi ahaan ay isaga baxeen tartanka, kadib markii uu warbaahinta la hadlay wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Koonfur Galbeed oo shir jaraa’id kadib dib markii uu weerarka dhacay, isaga oo dhaleeceeyay laamaha ka shaqeeya ammaanka.


“ Falkii guracnaa ee ka dhacay gobolka Banaadir ee lagu beegsaday ciyaartooyda Koonfur Galbeed, taas oo ah layac amni, oo guud ahaa maamulka gobolka iyo dowladdu amniga ciyaartooyda sugiweysay, sidaa la ajligeed kan ciyaartooy ahaan waxaan go’aan ku gaarnay inaan ciyaarta ka sii mi ahaanin” ayuu yiri.

Dhacdada lagu beegsay ciyaartooyda Koonfur Galbeed ayaa ah markii labaad iyadoo la xasuusto in 2020 sidaan oo kale ay u dhacay weerar nuucaan oo kale ah, waxaana hadda socda waanwaan la doonayo in lagu xaliyo arrintii dhacday oo maamulka dib loogu soo celiyo tartanka oo kulan qura uga harsan yahay.


Tartanka Stadium Muqdisho waa markii labaad tartankaan 2024 uu ka dhaco rabshado nuucaan ah xilli ciyaar u dhaxeysay Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir uu gacan ka hadal uu gaaray, taas oo keentay in ay xiriirku ganaaxaan Banaadir oo laga jaray 3dhibcood, waxaana la ogeyn waxa laga yeeli doono Galmudug.