U bood dhigaalka

Hirshabelle oo Heleysa Dhibco Kale oo Bilaash ah, Kadib Kabixitaanka Tartanka Kooxda Koonfur Galbeed

Kooxda Kubadda Cagta ee dowlad goboleedka Hirshabeelle oo hadda kaalinta 3-aad kaga jirta kala sareynta Tartanka Kubadda Cagta Maamul Gobolleedyada oo sugeysay in ciyaarta u dambeysa ay la ciyaarto Kooxda Koonfur Galbeed ayaa waxa u soo yeeraya war wanaagsan oo ay dhibco ku heli karaan.


Sida uu dhigayo xeerka tartanka haddii kooxi ka maqnaato ciyaarta ay ku balansanayd, waxa dhibacaha la siinayaa kooxda soo xaadirtay, taas oo ka macno ah in Kooxda Kubadda Cagta Hirshabeelle ay mar kale helayso sedex dhibcood oo kale oo aanay u dhididin, sidii ka dhacday kulankii ay la qaadatay Banaadir.


Sidoo kale ciyaartoyda Kooxda Kubadda Cagta Koonfur Galbeed ayaa saakay ka ambabaxay Mudisho si ay ugu laabtaan magaalada Baydhabo, kaddib markii ay ka caroodeen sidii loo maareeyay amnigooda, xili ay ka soo laabteen ciyaar ay la dheeleen Kooxda Kubadda Cagta ee maamulka Galmudug maalintii Jimcaha.

Maamulka ciyaarraha ee Koonfur Galbeed ayaa markaa wixii ka dambeeyay sheegayay in ay gabi ahaan isaga ahaan baxayaan tartanka, waxaana guuldarro kusoo dhammaaday kulamo u dhaxeeyay maamulka gobolka Banaadir oo ku booqday halkii ay deganaayeen, iyaga oo ugu dambeyn maanta dib u laabtay.

Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya ayaa horey u sheegay in tartanka la hakiyay muddo seddex maalmood ah sababbo la xiriirra rabshidihii dhacay kaddib ciyaartii Galmudug iyo Koonfur Galbeed, waxaana dib loo bilaabayaa maalinta talaadada ah, taas oo ka dhigan in toos Semi Final loo aadayo.


Laakiin waxa jiri doona kulan ay wada ciyaari doonaan kooxaha gobolka Banaadir Jubbaland, halka ay Hirshabeelle heli doonto dhibco bilaash ah markale, waxaana haddii ay hesho ay tagi doontaa 7 dhinac, iyada oo ku dhico noqon doonta Galmudug, xilli la sugayo waxa kasoo kooxaha Jubbaland iyo Banaadir.

Dhacdadii ka dhacday garoonka maalintii Jimcaha ayaa waxa ay noqonaysaa rabshadii labaad tan iyo markii uu tartanku bilowday, waxaana siweyn loo dhaliilayaa laamaha amniga oo dayacaad amni laga tirsanayo sida ay sheegeen maamulka iyo macalimiinta Koonfur Galbeed oo 2020 sidaan loo weeraray.