U bood dhigaalka

Ciyaariyahan Israa’ili ah oo Turkiga Loogu Xiray Kudigashada Dadka Reer Falastiin

Sheeko:Cayaaraha

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Turkiga uu sii daayay cayaaryahanka kubadda cagta Israa’iil ee Sagiv Gehezkel, uuna dhawaan u laaban doono doono dalkisa, kadib markii xabsiga loo dhigay arrimo la xiriira kudigashada dadka reer Falastiin.

Fiidnimadii Axadda, kooxaha ammaanka ee gobolka Antalya, ee koonfurta Turkiga, ayaa xiray Jezkel, iyaga oo lagu eedeeyay “in ay dadka kicin nacayb iyo cadaawad,” waxaana baaritaan ku uu furay Xeer Ilaalinta Guud ee dalkaas oo dacwad kusoo oogay.

Ciyaartoygan ayaa la sheegay sida ay qortay, roytris, in si khaldan udabaal dagay kadib markii uu kooxdiisa u dhaliyay, gool, waxaana warbixintu intaas ku dartay, in uu gacanta kusoo qortay, 100 maalin asaga oo muujiyay inuu garabtagan yahay dagaalka israail ku qaday marinka Gaza,

Tababaraha kooxda ayaa sheegay, in uusan warka ahayn, arintaan asaga iyo kooxda, Kadib arintaa waxaa lo taxaabay xabsiga si suaalo dheeri ah looga waydiiyo arintaan uu ku kacay, waxaana ay keentay in xabsiga loo taxaabo kahor siideytiisa.

Alkan oo ah tababaraha kooxda, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay Axadii in ciyaaryahanka reer Israel uu tallaabadan qaaday isagoo aan ka warqabin kooxda, isla markaana qandaraaskiisa la joojin doono sida ugu dhaqsiyaha badan, ayada oo kooxda laga saaray kooxda.