U bood dhigaalka

Maxaad Kala Socotaa Abaabulka ugu Dambeeyey ee Ciidamada Ku sugan Koonfurta Mudug?

Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka dhulka xoogga dalka G/le sare Cabdi Salaad Cali iyo saraakiil kale ayaa kormeer shaqo ugu tegay ciidamo ka tirsan guutada 27-ad ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed oo ku jira abaabulkii ugu dambeeyay oo ay ugu diyaargaroobayaan howlgallada dowladdu ay qaadayso.

Ciidamada ay kormeereen Taliyaha iyo saraashiisha kale ayaa qeyb ka ah geesiyaasha xoogga dalka ee furmaha koofurta Gobolka Mudug ka wada howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab oo inta badan laga saaray gobolka marka la eego deegaannada ay kaga sugan yihiin Koonfurta gobolka oo la isku hayo.

Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka dhulka xoogga dalka G/le sare Cabdi Salaad Calin ayaa sidoo kale ciidanka ku amaanay sida ay ugu diyaar-garoobeen howlgallada dalka looga looga saarayo Al-shabaab ooh adda ka socda deegaannada Galmudug iyo Hirshabeelle oo ciidanku wadajir ay ugu howlgalaan.

Abaabulka ka socda gobolka Mudug ayaa kusoo aadaya xilli deegaannada Galmudug uu markale tahay madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya waxaana ciidanka dowladda lagu wadaa in ay deegaannada Galmudug iyo Hirshabeelle ay ka bilaabaaan howlgallo lagu dhameystirayo wajiga 1-aad.