U bood dhigaalka

Tartanka Dowlad Goboleedyada iyo Banaadir oo Gaaray Semi-Final, Galmudug iyo Banaadir oo Madaxa Isgalay!

Sheeko:Cayaaraha

Waxaa soo gabagaboobay heer isragga group-yada ee tartanka dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, waxaana kulankii ugu dambeeyay wadaciyaaray kooxda gobolka Banaadir iyo Jubbaland ciyaar kusoo idlaatay goolal la’aan, labada dhinac ayaa ku heshiiyay 0 0, waxaana loo gudbay afar-dhamaadka.

Semi-Finalka oo talaadada la ambaqaadayo ayaa waxa ay kooxuhu isugu aadi doonaan Hir-shabeelle oo kusoo baxday kaalinta 1-aad iyo Jubbaland oo kusoo baxday kaalinta 4-aad, halka kooxihii ku guuleysiga loo saadaalinayay ay isku dhaceen waa Galmudug oo kusoo baxday 2-aad iyo Banaadir oo 3-aad noqotay.
Kulanka u dhaxeeya kooxaha ugu adag tartanka ee Galmudug iyo Banaadir ayaa la ciyaarayaa Talaadada, xilli Galmudug iyo Banaadir tii soo baxdaa ay tagayso Finalka oo ay ku sugeyso Hirshabeelle iyo Jubbaland middii awoodeeda kusoo baxda, Galmudug ayaa fursad u heysata ay kaga aargudato kooxda Banaadir.

Sidoo kale Banaadir ayaa waxaa ay siiwadan kartaan anbiitinka ay ka heysto kooxda Galmudug oo labad mar ay kaga soo adkaatay tartankaan oo mid kamid ah uu ahaa Final-kii 2020 looga qaaday rigooroyinka, halka Jubbaland iyo Galmudug ay u tahay markii ugu horeysay oo ay isku arkayaan heerkaan tartankaani.

Dhanka kale macalinka hoggaaminaya Galmudug Axmed Tahliil Cali ayaa sugaya inuu guushii ka adkaado Macali kooxda gobolka Banaadir Daadir Amiin Cali oo sedex jeer ka heysta guul isaga oo macalin ah iyo mar uu ciyaariyahan ahaa uu ka qaaday Final, Galmudug ayaa doonaysa iney iska meyrto sooyaalkaasi.

Galmudug iyo Banaadir kooxdii iska xaadirisa Final-ka ayaa waxaa la saadaalinayaa in ay noqon karaan Champion-ka, iyadoo aan Meesha laga saari Karin awoodda kooxda Jubbaland iyo Hirshabeelle oo laba mar nasiibku siiyay iney ciyaar la’aan sedex dhibcood ay ku qaataan taas oo keentay in ay 1-aad noqdaan.

Tartanka oo soo bilowday December 2023 ayaa waxaa sanadkaan ka maqnaa kooxda Putnland iyo marka la eego Koonfur Galbeed dhacdadii lagu xumeeyay ee weerar lagu qaaday, taasoo keentay inay ka baxaan tartanka, waxaana la sugayaa asbuucaan kooxa finalka u gudbaya kor 28 bisha oo Finl-ka la ciyaari doono.