U bood dhigaalka

Hirshabeelle oo Gaartay Finl-ka, Xilli Galmudug iyo Banaadir Midood ay Sugeyso 28-ka Bisha Final-ka

Sheeko:Cayaaraha

Kooxda kubadda cagta dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta u gudubtay Finalka tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kadib markii Semi-finalka ay kaga adkaatay kooxda Jubbaland.

Kooxda Hirshabeelle ayaa ciyaarta ay la qaadatay kooxda Jubbaland  waxa ay aheyd mid labada dhinac ay ismariwaayeen, waxaana ay kusoo idlaatay goolal la’aan, Hirshabeelle ayaa 5-4 kaga gudubtay Rigoorooyin.

Hirshabeelle ayaa Final-ka ku sugeysa kooxaha Galmudug iyo Banaadir oo ciyaaraya barri oo Arbaco ah, waxaana 28 bisha uu noqon doonaa maalinta ugu dambeyso ee la ciyaaro Finalka tartanka koobkaan, kuwaas 2020 tagay finalka

Kooxda Banaadir oo sanadkii ugu dambeeyay 2020 ku guuleysatay koobkaan ayaa markaan haddana rajo ka qabta in markale ay reebaan Galmudug oo Finalka ay wadaciyaareen, xilli midood Hirshabeelle sugi 28-ka bishaan

Kooxaha Jubbaland iyo Galmudug iyo Banaadir tii harta ayaa ciyaari doona kaalinta sedexaad ee tartanka, xilli Galmudug iyo Banaadir tii soo baxdaa la leeyahay waa Champions 2024, laakiin Hishabeelle iskeentay.