U bood dhigaalka

Kooxaha Hirshabeelle iyo Jubbaland oo Galabta Middood Iskaxaadirin Karto Finalka Tartanka

Waxa maanta la ciyaarayaa kulan kamid ah afar-dhammaadka tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir,kadib markii laga soo gudbay heerka is-aragga koowaad, waxaana ay isku arkayaan Hirshabeelle iyo Jubbaland, halka Galmudug iyo kooxda gobolka Banaadir ay isla madlansan yihiin marka la eego.

Ciyaarta galabta oo ah mid aad u xiiso badan ayaa waxaa ay dhexmari doontaa kooxaha Jubbaland iyo Hirshabeelle, waxaana midii adkaa ay tagi doontaa finalka tartanka, waxaana ay sugi doontaa kooxda Soobaxda Galmudug iyo Banaadir oo dhankooda iswajahaya Finalka ayaa noqon kara mid adag.

Marka laga soot ago labada kooxood ee Finalka u gudubta kooxaha laga adkaado ayaa gali doona tartan loogu soo baxayo kaalinta 3-aad, waxaana sanadkaan koobka laga cabsi qabaa in ay qaadi karaan kooxda Galmudug iyo Banaadir mida soo gudubta, wallow Jubbland ay tahay koox kale oo aan la dhayalsan karin