U bood dhigaalka

Soomaaliya: Sarkaal lagu Dilay Duqeyn ay Fuliyeen Ciidamo Mareykan ah

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay duqeyn laga fuliyay Soomaaliya in lagu beegday xubno ka tirsan Al-shabaab, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Taliska Afrika ee ciidamada Maraykanka ee loo yaqaanno AFRICOM, kaas oo ka dhacay gobolka Jubbada hoose, meel aan sidaas kaga fogeyn magaalada Kismaayo.

War-saxaafadeed kasoo baxay milatariga Maraykanka ayaa lagu sheegay in r ay dhacday kadib markii codsi laga helay dawladda federaalka Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in ay qeyb ka tahay sidii loo wiiqi lahaa awoodda Al-shabaab ee deegaannada Jubbaland marka la eego oo ay ku xoogan yihiin.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Taliska Afrika ee Maraykanka ee loo yaqaan AFRICOM ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqayntaasi ay ahayd mid “is-difaacis wadajir ah” oo dhacday laba jeer bishan Janaayo 21-keedii iyo 17-kii, waxaana la sheegay in aysan jirin dhibaato soo gaartay dadka rayidka iyo dhaawac.

War saxaafadeed xilligaas kasoo baxay dawladda federaalka Soomaaliya wasaaraddeedda warfaafinta ayaa lagu sheegay in duqayntaas lagu dilay Macalim Ayman oo ay sheegtay inuu abaabulay weerarro ka dhacay Soomaaliya iyo Kenya, waxaana Mareykanku sheegay in ay siiwadayaan howlgallada oo kale.

Maraykanka ayaa al-Shabaab ku tilmaamay shabakadaha al-Qaacida tan ugu weyn dunida, ayna awood u leeyihiin inay weeraraan ciidamada Maraykanka, halisna ku yihiin amniga qaranka Maraykanka, iyo waddamada ay iskaashiga leeyihiin, waxaana xilligaan socda howlgallo ka dhan ah oo dowladdu ay wado.

Hawlgalka Maraykanka ee Africa ee AFRICOM ayaa xaqiijiyey in duqayntii dhacday 17-kii December lagu dilay xubin ka tirsan al-Shabaab, hase yeeshee AFRICOM ma aysan xaqiijin weli magaca qofka la dilay, Mareykanka ayaa sii wada howlgalladaan tan iyo markii ciidankiisa lagu soo celiyay gudaha Soomaaliya.