U bood dhigaalka

Kooxda Galmudug oo Gaartay Markii Labaad Final-ka Tartanka, Xilli Hirshabeelle Axadda ay Iswajahayaan

Sheeko:Cayaaraha

Kooxda Kubadda Cagta Galmudug ayaa u gudubtay Final-ka tartanka koobka dowlad goboleedka iyo gobolka Banaadir, kadib ciyaar xiiso leh oo ay la qaadatay kooxda gobolka Banaadir, taas oo aheyd Sami-Finalka tartanka, waxaana Finalka ay ku wajihi doontaa kooxda Hirshabeelle oo Jubbaland soo dhaaftay.


Ciyaartu waxa aheyd mid xiiso badan, labada dhinac ayaa kala gambanayay,oo mid walba waxaa ay diiday in shabaqeeda la gaaro, weerar iyo weerar celis u muuqday Conter Attack labada dhinac kuma guuleysan dhalin wax gool ah, waxaana labadii qeyb ay kusoo idlaatay goolal la’aan iyadoo Rigooro la wada ’aaday.

Nasiibku waa halkiisa, labada goolhaye Cabdisalaam oo Galmudug ah iyo Karaama oo Banaadir ah ayaa walaayada la saartay, waxa sidoo kale door lahaa ciyaartooyda ay labada macalin Daadir Amiin Daada iyo Axmed Tahliil Cali ay usoo xusheen in ay tuuraan gool ku laadyada taas oo keeni karta guusha middooda.


Ciyaarta labada kooxood ayaa muhiimad gaar ah u laheyd macalin Daadir Amiin Daada iyo Axmed Tahliil Cali, oo markii ugu horeysay 3 kulan kadib guul ka gaaray dhigiisa Daadir, halka ay ku adkaatay macalin amiin inuu sii wato ambiitinka uu ka heystay macalin Axmed Tahliil oo lasoo afjaray isagoo laga reebay.

Galmudug oo ku hormartay tuurashada waa cuneen, rajada ayaa luntay markii shabaqooda la gaaray oo laga hoggaamiyay, laakiin Cabdisalaan ayaa noqday ninka soo celiyay rajada Galmudug markii uu qabtay tuurashadii labaad ee Banaadi, waana sii socotay ilaa ay usoo idlaatay 5-4 oo Banaadir lagu soo xaaqay.


Finalka oo Axadda ah ayaa waxa wada ciyaaraya Galmudug iyo Hirshabeelle oo is-aragoodii Groups-ka ku kala baxay 1 , waxaana sidoo kale jirin in la ciyaarayo tartanka kaalinta 3-aad oo Meesha laga saaray sida uu shaaciyay xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed oo bayaan uu soo saaray ku xusay in la iska daayay.

Garoonka Stadium Muqdisho ayaa sanadkaan martigelinaya tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, waxaana tartanku uusoo maray marxalado kale duwan, waxa hadda la soo gaaray Finalkam oo ay wada joogaan kooxaha Galmudug iyo Hirshabeelle oo middood noqon doonto Champions-ka 2024.