U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Hambalyeeyay Kooxda Galmudug

Sheeko:Cayaaraha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyeeyay tartanka dowlad goboleedyada iyo maamuka gobolka Banaadir oo kusoo idlaaday garoonka Muqdisho Stadium, waxaana uu si gaar u hambalyeeyay kooxda Galmudug ee qaaday.

“Xulka Kubadda Cagta Galmudug, Macalimiin, maamul ciyaartooy iyo taageerayaalba, waxaan ugu hambalyeynayaa guusha hanashada Koobka Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir. Guushan aad gaarteen waxaa saldhig u ahaa ciyaar wanaag, tababar fiican, anshax wanaagsan iyo isku xirnaan” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay Villa Soomaaliya.

Qoraalka ayaa sidoo lagu lagu bogaadiyay kooxdii kaalinta ;abaad gashay” Xulka Kubadda Cagta Hirshabeelle waxaad soo gaarteen ciyaartii u danbeysey ee tartanka, waana tusaale muujinaya dadaalka aad bixiseen, waxaan idiin rajaynayaa guulo danbe iyo taariikh wanaagsan” ayaa la raaciyay.

Madaxweynaha ayaa bahda ciyaaraha uga mahadceliyay kaalintooda tartanka” Guud ahaan bahda ciyaaraha Soomaaliyeed waxay mudan yihiin ammaan, maadama muddada ay socdeen ciyaarahan ay muuqaal qurxoon ka bixiyeen dalka”.

Sidoo kale laamaha ammaanka ayaa la xusay kaalintooda” Laamaha Amniga Soomaaliyeed ee ka soo dhalaalay doorkoodii ku aaddanaa in nabad iyo amni ay ku baritamaan dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo kumannaan taageerayaal ah ay maalin walba daawanayeen waa taariikh wanaagsan oo ka tarjumaysa mustaqbalka dalka iyo xasilloonida ay inoo diidan yihiin argagixisada cadowga ah”.

Gabagabadii qoraalka madaxtooyada ayaa lagu sheegay in ciyaaruhu yihiin isdhexgalka Bulshada ayna kaalin muhiim ah ka qaataan,”Ciyaarahu waxa ay kor u qaadaan is-dhexgalka bulshada, iyo wadajirka dhallinyarada Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri gabagabadii qoralka kasoo baxay xafiiska ugu sareeya dalka..