U bood dhigaalka

Wax Badan Ka Ogow Cayaarta Galmudug iyo Hirshabeelle ee Finalka

Sheeko:Cayaaraha

Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium ayaa maanta martigelinaya kulanka ugu weyn ee tartanka dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir, waana Finalka koobka oo ay isku wajihi doonaan kooxaha dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo maamulka Galmudug,31 maalin kadib ayaa lasoo xirayaa.

Labada kooxood ayaa waday maalmihii ugu dambeeyay diyaargarowgooda ku aadan ciyaarta Finalka ah, waxaana aya sameeyeen tababar adag, waxaana jiray ballanqaadyo maalmahaan labada koox ay ka kala helayeen mas’uuliyiin kale, haddii ay noqdaan Champions-ka tartanka ee ka dhacaya Muqdisho Stadium.

Finalka tartan ee labadaan kooxood ayaa muhiimad gaar ah u kala leh markan la eego sida ay kusoo kala gaareen, Galmudug ayaa markii labaad oo xiriir ah soo gaartay finalka tartan, iyagoo kuwii 2020 u diiday markooda ka hor istaagay in ay u gudbaan Finalka tartan, waa kooxda Banaadir oo Semi-Final ku hartay.


Hirshabeelle dhankeeda ay soo martay wado ka fudud dhiggeeda Galmudug, marka aad eegto wixii lagu abaalmariyay kulankii Banaadir, kaasoo uu dhiig ku daatay iyo dhibcihii laga siiyay Koonfur Galbeed iyagu ka baxeen marka la eego, waxaa ay laba dhiban ka kala heshay kulamadii Jubbaland iyo kuwa Galmudug.


Taageerayaasha laba koox ayaa mid waliba jecel in kooxdiisa ay guulaysato oo iyagu noqdaan kuwa hela libinta sare, wallow Galmudug markii labaad Final u tahay laakiin Hirshabeelle waa markii ugu horeysay, garoonka ayaa la filayaa inuu noqdo manta mid la ciirciira taageerayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle.

Garoonka Stadium Muqdisho midka ka baaxadda weyn kuwa yaalla Yurub ayaa sanadkaan ahaa mid aad indhaha caalamka ugu soojeediyay tartan taageerayaasha ayaa ahaa kuwa shidayay shumaca Muqdisho Stadium, halagu kala batee Tuulada ciyaaraha waxaa soo maray 31 cisho oo indha caalamka uu hayay.