U bood dhigaalka

Hobyo: Khubaro ka socda Dekadaha Jibuuto oo ay Magaalada u tagay Howlaha Dekadda

Magaalo Xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug uu sacdo Mashruuca dhismaha dekadda ayaa waxaa soo gaaray wafdi ka kooban Madax, khudaro iyo Injineero ka socday Dekaddaha dalka Jabuuti, kuwaas oo qeyb ka noqon doona yagleelidda dekadda oo dhowaan la daahfuray.

Khubarada iyo masuuliyiin la socda ayaa maalmaha ay joogaan waxay qiimayn ku samayn doonaan meelaha loo qorsheeyey in laga hirgaliyo dhismaha Dekadda Hobyo maadaama laga guurayo halkii ay hore ugu taalay oo la isla gartay in aysan ku habooneyn goobtaas oo laga weeciyo.

Guddiga Gacanta ku haaya dhismaha Dekedda ayaa sheegay inay sanadkaan bilaabayaan Dhismaha Dekedda si ay kaalin weyn uga qaadato kobaca dhaqaalaha ee deegaanada dowlad goboleedka Galmudug, waxaana lagu wadaa in laga hirgeliyo dekadda ugu caalamisan Soomaaliya iyo mid kamid ah kuwa ugu weyn bariga Afrika.

Dhowaan ayey aheyd markii ganacsatada kasoo jeeda Galmudug iyo maamulka ay isla garteen furista sanduuqa daqliga dib u dhiska dekadda caalamida ah ee Hobyo, kadib shirweynihii ka dhacay magaalada dabayaaqadii sanadkii tagay ee 2023, Galmudug ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay hirgalinta dekadda Hobyo.