Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dakhliga gudaha uu laba jibaarmay afartii sano ee u dambeysay.
Wasiirka Maaliyadda, Biixi Iimaan Cige, ayaa kororka u sababeeyey hirgelinta nidaamka canshuuraha SOMCAS, adeegyada canshuuraha dhijitaalka ah iyo dib-u-habeynta maamulka maaliyadda guud.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dowlad-goboleedyadu heleen taageeradii maaliyadeed ee ugu badnayd intii lagu jiray sannadkii 2025.
Wuxuu tilmaamay in dowladda federaalku ay doonayso in dakhliga iyo kheyraadka qaranka loo adeegsado xoojinta adeegyada bulshada ee gobollada dalka.
Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay inaysan qaadan deyn cusub tan iyo markii Soomaaliya loo dhammeystiray barnaamijka deyn-cafinta.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegtay inay diyaarinayso istiraatiijiyad iyo sharciyo lagu nidaaminayo amaah kasta oo mustaqbalka loo qaato horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
xogta la shaaciyey kuma jirin jadwal muujinaya dakhliga sannad kasta, ilaha kororka ama lacagaha la gaarsiiyey dowlad-goboleed kasta.