U bood dhigaalka

Soomaaliya oo wajahaysa cadaadis dhaqaale oo ka dhashay qalalaasaha Marinka Hormuz

Sebteembar 26, 2026

Soomaaliya ayaa wajahaysa cadaadis dhaqaale oo sii kordhaya, kaddib markii khalkhalka ka jira Marinka Hormuz uu saameyn ku yeeshay isu-socodka ganacsiga iyo badeecadaha dalka, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in xaaladdu ay qayb ka noqotay hoos u dhac lagu qiyaasay 40 boqolkiiba dakhliga kastamka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa arrintan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay Kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay si weyn ugu tiirsan tahay badeecooyin laga keeno Bariga Dhexe, gaar ahaan cunto iyo shidaal.

Sida uu sheegay, qalalaasaha ka jira marinka muhiimka u ah ganacsiga caalamiga ah ayaa sare u qaaday qiimaha badeecadaha, sicir-bararka iyo kharashaadka gaadiidka iyo caymiska.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hoos u dhaca dakhliga kastamku uu saameyn ku yeelan karo il muhiim ah oo dowladda uga soo xaroota maalgelinta dib-u-habaynta dhaqaalaha, kobaca iyo dadaallada lagu dhimayo saboolnimada.

xogta la heli karo waxay tilmaamaysaa in madaxweynuhu uusan caddeyn muddada uu hoos u dhaca 40-ka boqolkiiba dhacay ama soo bandhigin xogta faahfaahsan ee lagu saleeyay qiyaastaas.

Saameyntan dhaqaale ayaa kusoo beegmaysa xilli Soomaaliya ay horey ugu tiirsanayd badeecooyin dibadda laga keeno, waxaana Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya ay dhawaan sheegtay in dalka uu sanadkii soo dejiyo badeecooyin ku dhow 9 bilyan oo doollar, taasoo muujinaysa heerka uu dhaqaalaha Soomaaliya ugu tiirsan yahay ganacsiga dibadda.

Dhibaatada ayaa sidoo kale gaareysa ganacsatada iyo dekedaha Soomaaliya, ayadoo Ganacsatada Soomaaliyeed ay bilaabeen inay raadiyaan waddooyin kale oo ay badeecooyinka ku soo mariyaan, kaddib markii khalkhalka ka jira marinnada muhiimka ah ee gobolka uu kordhiyay kharashaadka iyo walaaca laga qabo dib-u-dhacyada shixnadaha.

Maamulka Dekedda Muqdisho ayaa sheegay in ganacsatada lagala shaqeynayo sidii loo heli lahaa waddooyin kale oo sahaydu dalka ku soo gaarto.

Marinka Hormuz ayaa ah marin muhiim u ah gaadiidka tamarta iyo ganacsiga caalamiga ah, waxaana warbixinno laga helay xaaladda maraakiibta ay muujinayaan hoos u dhac weyn oo ku yimid maraakiibta badeecadaha ee halkaas mara.

Reuters ayaa 22-kii Sebtembar soo werisay in laba markab oo badeecooyin ah oo keliya ay maalintaas ka gudbeen marinka, halka celceliska ka hor colaadda lagu qiyaasay 125 markab oo waaweyn maalintii.

Dhinaca kale, Soomaaliya waxay wajahaysaa xaalad bani’aadantinimo oo adag, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay in in ka badan lix milyan oo qof ay saameysay abaarta la xiriirta isbeddelka cimilada. Kororka qiimaha cuntada iyo shidaalka ayaa sidaas darteed kusoo beegmaya xilli qaybo badan oo bulshada Soomaaliyeed ah ay durba la tacaalayaan saameynta abaarta iyo baahiyaha bani’aadantinimo.

Si kastaba ha ahaatee dowladda Soomaaliya waxay hadda wajahaysaa laba cadaadis oo isku mar socda: hoos u dhaca dakhliga gudaha iyo kororka kharashaadka soo dejinta, iyadoo dhinaca kale malaayiin qof ay u baahan yihiin gargaar iyo taageero ay kaga gudbaan saameynta abaarta.