Muqdisho, 6 Oktoobar 2026 – Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa hoos u dhigtay saadaasha kobaca dhaqaalaha Soomaaliya ee sannadka 2026, iyadoo hadda lagu qiyaasay 2.3%, halka dhaqaalaha dalka ay saameynayaan hoos u dhaca gargaarka dibadda, abaaraha iyo dhibaatooyinka cimilada iyo saameynta colaadda Bariga Dhexe.
IMF ayaa sheegtay in Soomaaliya ay wajahdo caqabado is-biirsaday, oo ay ka mid yihiin jarista gargaarka caalamiga ah tan iyo 2025, abaaro soo noqnoqda, xaaladaha cimilada oo sii xumaanaya iyo saameynta dhaqaale ee colaadaha gobolka.
Koox IMF ah oo uu hoggaaminayay Ran Bi ayaa wadahadallo la yeelatay mas’uuliyiinta Soomaaliya intii u dhaxaysay 21-kii Sebtembar iyo 1-dii Oktoobar, kuwaas oo qayb ka ahaa qiimeynta dhaqaale ee sannadlaha ah ee IMF.
Hay’addu waxay saadaalisay in kobaca dhaqaalaha Soomaaliya uu 2.7% gaari karo 2027, halka muddada dhexe lagu wado inuu gaaro 4%, haddii la hirgeliyo dib-u-habeyn dhaqaale iyo maaliyadeed oo muhiim ah.
Dhanka kale, sicir-bararka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu gaaro 6.5% sannadka 2026, iyadoo IMF ay sababaha ugu waaweyn ku sheegtay abaarta daba dheeraatay iyo carqaladaha ku yimid ganacsiga caalamiga ah.
IMF ayaa sidoo kale ka digtay in hoos-u-dhac dheeraad ah oo ku yimaada gargaarka, colaado cusub oo gobolka ka dhaca iyo xaalado cimilo oo ka sii daran ay halis ku yihiin dhaqaalaha Soomaaliya.
Hay’addu waxay ku baaqday in la xoojiyo ururinta canshuuraha, kastamyada iyo dakhliga gudaha, iyadoo sidoo kale muhiimad siisay horumarinta maareynta maaliyadda dowladda, kobcinta ganacsiga iyo maalgelinta wax-soo-saarka gudaha.
IMF ayaa tilmaamtay in xawaaladaha dibadda ay weli yihiin il muhiim ah oo qoysaska Soomaaliyeed ka caawisa dakhliga iyo helitaanka lacagaha qalaad, balse ay weli jiraan nuglaansho dhinaca dhaqaalaha dibadda ah.
Sidoo kale, IMF waxay ku talisay in la sii wado maalgashiga waxbarashada iyo u adkaysiga isbeddelka cimilada, si loo abuuro saldhig dhaqaale oo waara.
IMF ayaa ku adkaysatay in taageerada joogtada ah ee deeq-bixiyeyaasha ay muhiim u tahay Soomaaliya, gaar ahaan haddii khataraha hoos u dhigi kara kobaca dhaqaalaha ay sii xoogaystaan.