Muqdisho (Goobjoog News) — Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Xasan Aadan, ayaa kulan la yeeshay Danjiraha cusub ee Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ferhat Alkan, kaas oo looga hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada kalluumaysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga ee ka faa’iidaysiga kheyraadka badda Soomaaliya.
Wasiir Axmed Xasan Aadan ayaa kulanka ku soo bandhigay muhiimadda ay leedahay horumarinta kalluumaysiga iyo maalgashiga kheyraadka badda, si kor loogu qaado wax-soo-saarka dalka, loo abuuro fursado shaqo, loona kobciyo dhaqaalaha buluugga ah.
Danjire Ferhat Alkan ayaa dhankiisa muujiyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada ka qayb qaadan kara horumarka Soomaaliya.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga horumarineed ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo horumarinta kalluumaysiga iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka badda ay ka mid yihiin fursadaha muhiimka u ah kobaca dhaqaalaha Soomaaliya.