Balanballe, Isniin 5 Oktoobar, 2026 : Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee Galmudug, waxaana halkaas si diirran ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug, Taliyaha Hayโadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaran, Musharaxa Hoggaamiyaha Galmudug, maamulka degmada Balanballe , iyo qeybaha kala duwan ee deegaankan ku dhaqan.
Raโiisul Wasaare Xamsa ayaa goobjoog ka noqday heshiis taariikhi ah oo ay wada gaareen beelaha walaalaha ah ee degmooyinka Balanballe iyo Guriceel, kadib colaado sanado badan qaatay.
Xaflad balaaran oo ay kasoo qeybgaleen bulshada labada degmo, odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo dhallinyarada , goobjoogna ka ahaayeen Raโiisul Wasaare Xamsa , Madaxweynaha Galmudug, wasiirro iyo xildhibaanno heer federaal ah ayay labada ugaas ee beelahan , ee kala ah Ugaas Maxamed Ugaas Kayse iyo Ugaas Xasan Ugaas Xasan meel fagaaro ah ku saxiixeen heshiis 8 qodob ka kooban oo gebi ahaanba lagu soo afmeeray colaaddii jirtay.
Raโiisul Wasaare Xamsa oo ka hadlay madasha ayaa yiri โGogoshan waxaa iiga muuqata in labada dhinac ay ka goโantahay in ay si dhab wh u heshiiyaan, Illaahayna wuxuu ballanqaaday in uu idin waafajinayo, haddii cid ku xad-gudubto heahiiskana waxaad ku heshiiseen in aad ku xallisaan Shareecada Islaamkaโ. Waxa uu intaasi ku daray in sida heshiiska ku cad qofkii qof kale dillo in lagu fuliyo qisaas.
Raโiisul Wasaare Xamsa oo hadalkiisa sii watay ayaa si weyn u bogaadiyay heshiiska la gaaray , kaas oo uu ku tilmaamay in uu yahay mid waafaqsan qorshaha xukuumadda ee Soomaali Heshiis ah, wuxuuna sheegay in heshiiskan uu horseedi doono nabad waarta, horumar dhaqaale iyo in shacabka si wanaagsan loo gaarsiiyo adeegyada dowladda maadaamaa ay colaaddii dhammaatay.
Raโiisul Wasaare Xamsa ayaa intii uu ku sugnaa degmada Balanballe waxa uu dhagax-dhigay iskuul ay dhigan doonaan carruurihii ku agoontoobay colaadihii beelaha dhex-maray, waxa kale oo uu Raโiisul Wasaaraha dhagax-dhigay Aqalka Nabadda, iyo garoonka ciyaaraha Balanballe.
Mudane Xamsa Cabdi Barre waxa uu dhanka kale tababar usoo xirey cutub ka tirsan ciidanka Nabadda Sugidda kuwaas oo ku biiraya ciidanka amniga dalka .