Muqdisho, 28 Sebteembar 2026: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar ugu soo xiray Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure dufcaddii 12-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab.
Ciidanka dufcaddan ayaa muddadii tababarka lagu baray xeerka ciqaabta, xuquuqda aadanaha, xirfadaha caafimaadka iyo isgaarsiinta, cilad-bixinta hubka iyo xeeladaha dagaalka.
Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ciidanka ku bogaadiyey dadaalka iyo adkaysiga ay muujiyeen muddadii tababarka, isaga oo kula dardaarmay inay aqoonta iyo xirfadaha ay barteen ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay ka shaqeeyaan difaaca dalka.
Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siinayso dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida, si loo helo ciidan leh tababar, tayo iyo awood ay ku gutaan waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday.
Waxa uu sidoo kale ciidanka cusub kula dardaarmay inay ilaaliyaan sharciga, kuna sifoobaan waddaniyad, daacadnimo iyo u heellanaanta difaaca dalka.
Munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa lagu soo bandhigay xirfadaha iyo aqoonta ciidan ee ay barteen dufcadda 12-aad ee Kumaandooska Danab, kuwaas oo loo diyaariyey gudashada waajibaadka qaran ee la xiriira difaaca dalka, sugidda amniga iyo la-dagaallanka kooxaha argagixisada ah.