U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Balanballe ka dhagax-dhigay Guriga Nabadda iyo Dugsiga Agoonta

Oktoobar 7, 2026

Balanballe, Galgaduud: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud ka dhagax-dhigay Guriga Nabadda iyo Dugsiga Agoonta, kaddib heshiis nabadeed oo lagu soo afjaray colaado muddo dheer u dhexeysay laba beelood oo walaalo ah oo ku kala nool deegaannada Balanballe iyo Guriceel.

Dhagax-dhigga ayaa yimid kaddib kulan lagu dhammaystiray heshiiska nabadeed ee labada beelood, kuwaas oo muddo dheer ay dirir sokeeye ku dhex mareysay deegaannada ku teedsan labada degmo, taas oo saamayn ku yeelatay nolosha bulshada iyo deegaanka.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa munaasabadda ku wehliyey Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, Mahad Maxamed Salaad, iyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye.

Guriga Nabadda ee laga dhagax-dhigay degmada Balanballe ayaa la qorsheeyay inuu noqdo xarun astaan u ah nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo wadajirka bulshada, iyadoo laga rajeynayo inuu door ka qaato xoojinta xiriirka labada beelood iyo ka hortagga colaado hor leh.

Sidoo kale, Dugsiga Agoonta ayaa loogu talagalay carruurta waalidkood ku waayay colaadaha sokeeye, waxaana la sheegay inuu qaadi karo illaa 600 oo arday, si loo siiyo fursado waxbarasho oo ka caawiya inay helaan mustaqbal wanaagsan.

Heshiiska lagu dhammaystiray nabadda labada beelood ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 52 oday-dhaqameed oo kala matalayay dhinacyada, iyadoo Ugaas Xasan iyo Ugaas Maxamed ay saxiixeen heshiiska lagu xaqiijinayo soo afjaridda colaadda iyo xoojinta nabadda.

Dhagax-dhigga xarumahan iyo heshiiska nabadeed ayaa muujinaya dadaallada lagu doonayo in lagu xoojiyo dib-u-heshiisiinta iyo wada noolaanshaha bulshada, iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo waxbarashada carruurta ay saameeyeen colaadaha iyo dhismaha mustaqbal nabdoon oo ay wadaagaan dadka ku nool Balanballe, Guriceel iyo deegaannada ku xeeran.