U bood dhigaalka

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo Dubai Uga Qeybgalayo Shirkak Dalalka Carbeed

Sheeko:Cayaaraha

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta kaga qayb-galay shirka Wasiirrada dhallinyarada ee wadamada Carabta oo sanadkan Halku-dheggiisu yahay xoojinta midnimada dhallinyarada iyo adkaynta waxyaabaha mideeya hiigsiga dhallinyarada.

Shirkan oo ah muhiimad gooni ah u leh dhallinyarada wadamada Carabta waxaa furay dhaxal sugaha Dowladda Imaaraatka Carabta Sheikh Mohamed Bin Rashid Al-Makhtoum oo ah, Raisul Wasaaraha ahna Madaxweyne ku xigeenka iyo xaakimka Dubai.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud oo sanadkii labaad ka qaybgelaya shirkan sanadlaha ah ee wasiirrada wadamada Carabta ayaa shirka la wadaagi doona marxaladda dhallinyarada Soomaaliyeed iyo kaalintooda dib u xoraynta iyo dib u dhiska qaranka Soomaaliyeed.

Inta uu shirku socdo wuxuu wasiir Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi la socda ay kulamo gooni gooni ah la yeelan doonaan madaxda wadanka martigelinaya ee Imaaraatka Carabta iyo wufuuda ka soo qaybagshay shirkan.