U bood dhigaalka

Xulka Qaranka Ivory Coast oo Guuleystay Koobka Qaramada Qaaradda Afrika 2024

Sheeko:Cayaaraha

Waxaa lasoo gabagabeeyay koobka xiisaha badan ee qaramada qaaradda Afrika, kaas oo la daahfuray 13 January iyo 11-ka Fabruary, xilli taariikh ay dhigeen kadib markii ay koobkii ay kala hareen dhammaan kuwii martida u ahaa ee ka kala socday qaaradda Afrika.

Ivory Coast ayaa ku guuleystay Koobka Qaramada Afrika kadib markii finalka kaga adkaadeen 2-1 dhiggooda Xulka Qaranka Nigeria, ciyaartii ka dhacday Magaalada Abidjan guushooda go’aamiyey gool uu waqti dambe u dhaliyey Sebastien Haller,

Ivory Coast oo lagu qabtay tartankan ayaa ku guuleystay Koobka, waxaana labada gool ee Ivory Coast ay yimaaddeen qaybta labaad ee ciyaarta, waliba xili ay ku dhowdahay dhamaadka ciyaarta ayay hogaanka u qabteen dhiggooda Nigeria.

Haller oo kasoo bogsaday xanuunka Kansarka, ayaa goolka ku leexiyey kubbad uu Simon Adingra ka keenay dhinaca iyadoo sagaal daqiiqadood ka hadhsan yihiin waqtiga dhamaadka, taas waxaa ay meesha ka saartay rajadii qaranka Najeria

Magaalada Abidjan ee caasimadda waddanka Ivory Coast ayaa aad looga dabbaal-degay waxaana is-qabsaday hambalyada , waxaana halkaas ka socda isu soo bax lagu wayneynayo guusha wayn ee xulkooda gaaray xalay.

Ciyaaryanka William Troost-Ekong oo goolka kali ah u dhaliyey Nigeria qaybta hore ayaa la arkayay isagoo murugo la fadhiistay garoonka dhaxdiisa, waxaa ay aheyd arrin kale in maritigaliyeyaashu ay koobka ka reebteen intii soo martisa.

Xulkan Galbeedka Afrika ayaa laba jeer oo hore kusoo guuleystay Koobka Qaramada Afrika sannadihii 1992kii iyo 2015kii, waxaanay noqdeen dalkii ugu horreeyey ee martigeliye ah ee ku guuleystay tantanka tan iyo sannadkii 2006, waqtigaas oo Masar ay martigeliye ahayd, kuna guuleysatay koobka