U bood dhigaalka

Galgaduud: Ciidanka Xoogga iyo Kuwa Deegaanka oo Fuliyay Howlgallo Lagu Dilay Xubno Shabaab ah

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo iskaabaya ayaa howlgallo ka fuliyay bariga gobolka Galgaduud, gaar ahaan deegaannada dhaca nawaaxiga magaalada Ceeldheer, xilli ciidanku dhowaan ay qorsheynayaan howlgal saf ballaaran oo lagu qaado Bariga Gobolka.

Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalladii ugu dambeysay ayaa sheegtay in lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab, waxaana ay intaas raaciyeen in ay fashiliyeen weerarro miinooyin ah oo lagu aasay wadooyinka qaar, iyadoo xalay tiro Hoobiyeyaal ah ay ku dhaceen Ceeldheer.

Cabdulle Maxamuud Cabdi oo ah taliye ciidamada deegaanka ee bariga gobolka Galgaduud oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamada howlgallaadaan ay guulo waaweyn ka gaareen, waxaana uu tilmaamay in ay heleen Al-shabaab isku-abaabulayay deegaannada.

“ Xog aah helanay oo muddo dheer aan aruureynay oo ku aadan meel nimanku ay isku abaabulaayeen oo ku yaalla Cali Cadhoole iyo meel la yiraah Baraag Sheekh Cabdullaahi ayaa la galay habeen hore oo waa lagu durduriyay 15 nina waa looga dilay” ayuu yiri.

Taliyaha oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay in habeenimadii xalay degmada Ceeldheer lagu soo tuuray afar Hoobiye, kuwaas uu sheegay in ay waxyeello kasoo gaartay hooyo waayeel ah iyo wiil yar oo u ciidaminayay, waxaana degmada nawaaxigeeda ka socda howlgallo

Deegaannada inta badan ay ciidamadu howlgallada ay ka sameeyeen ayaa inta badan dhaca inta u dhaxeysa magaalooyinka Ceeldheer iyo Xarardheere, waana deegaanno inta badan ku teedsan bariga Galgaduud, ciidanka ayaa qorsheynaya in ay dhowaan qaadaan howlgallo.

Bariga gobolka Galgaduud ayaa dhowaanahaan waxaa ka dhacayay howlgallo isugu jira kuwa circa iyo dhulka oo ka dhan ah Al-shabaab, waxaana ka socda dhaqdhaqaaqyadii ugu xooganaa oo ciidanku ay wadaan si ay u qaadaan howlgal gobolka looga saarayo Shabaab.