U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah Ku Ridday Askari Ka Tirsanaa NISA

Dable Badri Cabdiraxmaan Kaahin oo ka tirsanaa ciidanka hey’adda NISA ayaa loo soo xiray Dil bareer ah uu u gaystay Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed dilkaas oo ka dhacay laamiga Xoosh ee degmada Dharkenlay 21 kii November ee sanadkii 2023.

Baaris dheer dabadeed Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday Tobankii bishii February ee Sanadkaan, waxaana ugu dambeyn manta soo baxay xukunka lagu riday Dable Badri Cabdiraxmaan

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukuntay Ex Dable NISA Badri Cabdiraxmaan Kaahin Ismaaciil Dil toogasho ahna qisaasta Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada, Maxkamdda ayaa maalmahii dambe qaadaysay kiisas badan oo nuucaan oo kale ah.