U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Heshiiska Difaaca Ee Dowladdu La Gashay Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sixiixay heshiiska Difaaca iyo dhaqaalaha baddda ee dowladda federalka ay la gashay dowladda Turkiga, kaas oo soo maray golaha wasiirrada iyo baaralamaanka labadiisa aqal oo ay shalay soo meel mariyeen heshiiska, heshiiskaan ayaa waxweyn ka taraya xeebaha badda ee eebeylahda ah ee Soomaaliya xilligaan la joogo.

“Waxaan saxiixay Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ansixiyay, kaasi oo qayb ka ah dadaalada aan ku bixinayno dhowrista amniga, khayraadka, gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya” ayu uku yiri qoraal lagu soo daabacay Villa Soomaaliya sixiixa heshiiska kadib.

Heshiiskani oo mudadiisu tahay 10 sano waa mid taageeraya hurumarinta dhaqaalaha baluugga, kobcinta wax soo saarka kalluunka, dhisida kaabayaasha dhaqaalaha, ilaalinta khayraadka badda, la dagaallanka argagaxisada iyo ka hor taga wax kasta oo sharci darro ah oo la mariyo xeebaha Soomaaliya, waxa uuna Soomaaliya gaarsiin doonaa in ay dhisato Ciidan Badeed oo ku filnaada difaaca baddeenna.

“Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed, waxaana heshiiskan uu qeyb ka qaadanayaa nabadda iyo xasilloonida gobolka.” Ayaa lagu yiri gabagabadii qoraalka.

Heshiiskaan dowladda federalka ay la gashay dowladda Turkiga oo socon doona muddo 10 sano ah ayaa waxaa sidoo kale ku jira in muddadaad lagu tababaro ciidanka badda iyo ilaalada xeebaha oo la qalabeyn doono, waxaana sidoo kale heshiiskaan uu kusoo beegmayaa xilli dowladda Soomaaliya xiisad kala dhaxeyso dowladda Itoobiya kaas oo ka dhashay heshiiskii is-afgarad ee Somaliland ay la gashay.