U bood dhigaalka

Muqdisho oo Laga Daahfuray Shirka Iskaashiga Wax Kabedelka Dastuurka

Guddoomiye ku xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Shacbaan Ibraahim ayaa maanta daaf-furay shirka latashiga Hay’adaha dowladaha xubnaha ka ah DFS iyo Maamullada kale ee ku saabsan soo jeedinnada wax ka beddelka KMG ah.

shirkan oo ujeedadkiisu yahay dardar gelinta arrimaha latashiyada wax ka beddelka Dastuurka KMG ah ayaa waxaa goobjoog ahaa xubno kala duwan ooy ka mid yihiin Guddoomiyaasha Golayaasha Sharcidejinta ee dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya wasiirrada arrimaha Dastuurka u qaabilsan DXDF, Xildhibaanno iyo Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Cali Shacbaan oo shirka Furay ayaa sheegay in qabyo tirka dib u eegista Dastuurka ay tahay arrin masiiri ah oo dhaxal u ah Ummadda Soomaaliyeed loona baahan yahay in la joogteeyo latashiyada dadwaynaha inta lagu guda jiro qabyo tirka Dastuurka, isla markaana lagu kalsoonaado Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ee wakiilka ka ah shacabka Soomaaliyeed kuwaas oo u taagan sidii Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u yeelan lahayd dastuur dhammeystiran oo dalka ka saara xasillooni darrada siyaasadeed.

Shirkan wuxuu socon doonaa muddo sadex maalmood ah, inta uu socdo waxaa aragtidooda ku aaddan cutubka 1aad -4aad ee dastuurka laga dhagaysan doonaa masuuliyiinta hay’adaha dowladaha xubnaha ka ah DFS iyo Gobolka Banaadir.