U bood dhigaalka

Baarlamaanka Soomaaliya oo Siiwada Ka Doodista Cutubka 2-aad Ee Dastuurka iyo Waxkabedelkiisa

Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya oo kulan labdiisa gole ay wadajir isugu yimaadeen xaranta Villa Hargeysa ayaa waxaa wali sii socota doodad ku aadan arrimaha Dastuurka dalka.

Xildhibaannada BFS ayaa dood adag ka leh qodobada qaar kuwaas oo waxkabedel iyo wax kudaris lagu sameeyay, waxaana xusid mudan in cutubka 1-aad doodiisa lasoo gabagabeeyay oo 2-aad lagu gudajiro.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta in sanadkaan 2024 uu noqdo sanadkii lasoo gabagabeynayo dastuurka dalka, waxaana hadda socota dooddii ugu adkeyd oo Baarlamaanka 11-aad ay ka leeyihiin.