U bood dhigaalka

Guulaha Dastuurka: 4 Cutub oo Muhiim ah u ah Qaran-dhiska oo Baarlamaanku Ansixiyay

Dastuurka iyo qabyo tirkiisa waxaa uu ka mid ahaa arrimaha hortabinta u lahaa Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana labadii sano ee lasoo dhaafay lagu guuleystay in la ansixiyo 4 cutub oo ugu horreysa taasi oo dhacay March 30, 2024, keentana isbadal dhinacyo badan.

Ansixinta 4-ta cusub waxaa ka dhashay in dalka uu aadayo doorasho qof iyo cod ah, in guddiga doorashada qaran ay xubnihiisu noqdaan 18, in la isku daray guddiga doorahooyinka iyo guddiga xuduudaha, in dalka uu yeeshay nidaam madaxtooyo oo Madaxweynaha uu magacaabayo ra’isul wasaaraha, xilkana ka qaadi karo, muddo xileedka waa 5 sano, madaxda maamul goboleedyada oo “Hoggaamiye” la dhihi doono, tirsada xibisyada qaran oo 3 noqonaya iyo arrimo kale.  

Haddaba Halkan Ka Akhriso Sooyaalka Doodaha Cutubyada 1-4aad ee Dastuurka KMG ah:

February 12, 2024 ayaa la sameeyay markii ugu horreysay “Qeybinta nuqulka soojeedimaha wax-ka-beddelka Dastuurka iyo warbxinta la socodka guddiga”, iyada oo intaa kadib si toos ah loo bilaabay doodaha cutubyada kowaad ilaa afaraad.

February 14, 2024, waxaa la bilaabay doodaha, CUTUBKA 1-aad: Baaqa Jamhuuriyadda• QODOBKA 1aad ilaa 9-aad, waxaa ka mid ah maqaamka Caasimadda Muqdisho, Ilaalinta dhulka, hawada iyo badda Soomaaliyeed, Xuquuqda Haweenka Soomaaliyeed (30%) Boqolkiiba Soddon, sareynta sharciga, ku dhaqanka Diinta Islaamka, luuqada rasmiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jinsiyada Muwaadinka iyo kan aan muwaadinka aheyn.

Doodda cutubka koowaad waxaa lasoo gabogabeeyay February 20 kadib markii Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanku soo jeediyeen aragtiyo wax ku ool ah, qaabayn, sixid iyo siiqayn, si marxaladda xigta guddiyada Dastuurka ee doodda la socda ay ugu soo dhafaan Dastuurka talooyinka iyo soojeedimaha mudanayaasha labada aqal.

February 14, 2024, waxaa kulanka 17aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya la bilaabay doodaha soojeedimaha wax-ka-beddelka Dastuurka, Cutubka 2aad oo la xiriira xuquuqda aasaasiga ah iyo waajibaadka muwaadinka Qodobada 10-aad ilaa 20-aad.

Cutubkan oo ka hadla Xauquqda asaasiga ah iyo waajibaadka muwaadinka Soomaaliyeed ayey xildhibaannada aragtidooda ka dhiibteen, kana doodeen sharci darada soo ridida caruurta uurka ku jira, xorriyadda diinta, caqiiddada, sinnaanta, xuquuqda asaasiga ah iyo qodobo kale oo ay ka mid ahaayeen xorriyadda nabadgelinta qofnimada isla markaaba waxay si gaar ah xildhibaannada iyo Sanatarrada uga doodeen gudniinka gabdhaha iwm.

Waxaa kale oo March 2, 2024 bilowday doodda Cutubka 2-aad Xauquqda asaasiga ah iyo waajibaadka muwaadinka Soomaaliyeed, Qodobka 31-aad-41-aad sida xaqa helidda xogta , xaqa ilaalinta xogta shaqsiga, go’aano maamul oo caddaalad ah, xaqa Dacwadda iyo isdifaaca,xuquuqda Eedaysanaha iyo qodobo kale oo ay ka mid ahaayeen Isucelinta Eedeysanayaasha iyo Danbiilayaasha isla markaana waxay si gaar ah xildhibaannada iyo Sanatarrada uga doodeen sixidda Ku-xadgudubka xaquuqda Aadanaha iwm.

March 6, 2024, kulanka 22-aad Kalfadhiga 4-aad ee labada Aqal ee Baarlamaanka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa la bilaabay ka doodista Cutubka 3-aad ee dib u eegista Dastuurka oo ka hadlaya Dhulka,Hantida iyo Deegaanka Qodobka 42-aad 47-aad, waxaana la is dul istaagay Dhulka, hantida iyo Degaanka ay leedahay ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

March 11, 2024, kulanka 24-aad ee labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa la bilaabay kadoodista cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah oo ka hadlaya matalaadda shacabka.

Cutubkan oo ka koobnaa  afar madax ayaa looga dooday madaxa koowaad ee mabaadii’da guud ee mataladda shacabka, madaxa labaad oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka, Madaxa Seddexaad oo ka hadlaya xisbiyada siyasadeed iyo Madaxa 4-aad oo ku saabsan maamulka dorashooyinka dalka, kuwaas oo lasoo gabogabeeyay howsha aragtiyada 29-ka bishan.

Guud ahaan doodaha afarta cutub ilaa 500 oo jeer ayey hadleen xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, iyada oo soojeedinnada ay sameeyeen ay la wareegeen Labada guddi ee kala ah Guddiga La-socodka Wax-ka bedelka Dib-u-eegista Dastuurka iyo Guddiga Madax-banaan ee Dib-u-eegista Dastuurka kuwaas oo qabsaday in ay nuqulka wax ku darista ah kusoo gudbin doonaan muddo todobaad ah.

March 30, 2024: Anisinta Baarlamaanka ee 4-ta cusub ee ugu horreysa iyada oo maalin kadib uu saxiixay madaxweynaha si ay dhaqangal u noqdaan.

Goobjoog News