U bood dhigaalka

Guddoomiye Sacdiya oo Soo Xirtay Madasha Latashiga Waxkabedelka Dastuurka Ee DF iyo DG

Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa maanta soo xirtay Shirka latashiga hay’adaha dowladaha xubinaha ka ah DFS iyo Maamulada kale ee soojeedinta waxkabadalka Cutubyada 1aad ilaa 4aad ee Dastuurka.

Shirkaan oo muddo saddax maalin ah ka socday Magaalada Muqdisho ayaa guddiga madaxa banaan ee dib u eegista Iyo hir gelinta dastuurka Iyo Sidoo kale guddiga la socodka dib u eegista dastuurka, waxaa soo agaasimay Guddiga Madaxabanaan ee dib u eegista Iyo hir-gelinta Dastuurka, Guddiga la socodka dib u eegista Dastuurka iyo Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

Waxana ka qeybgalayey Wasiiro Xildhibaano iyo sanatero,xubnaha Guddiga Madaxa-banaan ee dib u eegista Iyo hir gelinta dastuurka Iyo Guddiga la socodka dib u eegista Dastuurka, labada aqal Wasarada Caddaaladda iyo Dastuurka ,wakiilo ka socday Golayaasha wakiilada ee Dowlad Goboleedyada Dalka Iyo Sidoo kale khubaro ku xildheer arrimaha Dastuurka.

Gudoomiyayasha baarlamaanka Maamul Gobaleedyada Dalka ayaa ugu horen kahadlay shirkaan iyagoo sheegay in muhiim ay tahay in ladhameystiro Dastuurka ayna taageersanyahiin wax kabadalkiisa si loogu baxo Dastuur qabyo ah.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadalada Muumina Sheekh Cumar ayaa kahadashay gabagabada shirkaan iyadoo kadigtay in dastuurka aan la siyaasadeeynin danshaqsiyadeedna loo fiirinin.

Ugu danbeyn waxaa shirka soo xirtay Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha shacabka Marwo sacdiyo yasiin Xaji samatar iyadoona kuboorisay dhamaan ka soo qeebgalayaasha iyo madaxda kala duwan ee ku sugnaa shirka in si cadaalad ah ay ugarab istaagaan dhameeystirka iyo waxkabadalka Dastuurka Dalka labada Guddi ee hadda gacanta ku haayana looga baahanyahay in si daah furan ay ugu shaqeyaan maadaama Shacabka soomaaliyeed ay nasugayaan.