U bood dhigaalka

Qaramada Midoobey oo Ka Hadashay Dhacdadii Lagu Laayay Falastiiniyiin Gargaardoon Ahaa

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in baarayaal ka socda ay gaareen Isbitaalka Al-Shifa ee Waqooyiga magaalada Gaza, kadib markii halkaas la dhigay boqolaal reer Falastiin ah oo dhaawac ah, kuwaas oo ay waxyeello kasoo gaartay rasaas ay ku fureen ciidanka Israel goob lagu bixinayay raashin gargaar ah.

Dhacdadan ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 110 ruux, halka boqolaal kale ay dhaawacyo kale duwan ay soo gaareen, sida laga soo xigtay xafiiska Qaramada Midoobey ee xriirinta arrimaha Baniiaadanimada (OCHA, baarayaasha ayaa waqti ku qaatay Isbitaalka iyagoo gaarsiiyay daawooyin iyo xogaa shidaal ah.

“Al-Shifa waxaa la soo gaarsiiyay in ka badan 700 oo dhaawac ah waqtiga ay booqashada ay ku jireen, shaqaalaha Isbitaalka waxaa ay nagu wareejiyeen 70 Meyd ah, kuwaas oo ku dhintay musiibadii ku timid dadkii gargaar sugayaasha ahaa” ayuu yiri afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Dujarric.
Stephen Dujarric oo hadalkisa sii wato ayaa sheegay in Isbitaanka ay u tageen hubinta inuu shaqeynayo ka hor dhacdada murugta leh” “Waxay la yimaadeen dawooyin, tallaalo iyo shidaal si ay gacan uga geystaan hubinta in xarunta caafimaadku sii shaqeyso,” ayuu hadalkiisa siiraaciyay Stephen Dujarric.

Maalintii Khamiista galinkii dambe ciidamada Israel ayaa rasaas ku furay dad badan oo Falastiiniyiin ah oo sugayay gargaar bini’aadannimo oo ku sugnaa agagaarka Al Nabulsi ee wadada Al Rashid oo xigta xeebta waqooyiga Gaza, waxaana ku geeriyootay in ka badan 110, halka 760 kale dhaawacyo kale ay qabaan.

Dagaalka ka socda magaalada Gaza oo galay bishii 5-aad ayaa waxaa ku nafwaayayb in ka badan 23,000 oo reer Falastiin ah, kuwaas oo shacab u badanaa, waxaana hadda socda dadaallo caalamku ay wadaan oo xabadjoojin looga abuurayo magaalada Gaza, xilli Mareykanku dhowr jeer uu diiday hirgelinteeda.