U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobay

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku xigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada, George Conway, oo uu kala hadlay sare u qaadida iskaashiga, isuduwidda, iyo dadaalka wadajirka ah.

Kulanka ayaa lagu qaadaa-dhigay dadaalka dheeraadka ah ee Guddiyada farsamo oo ka kala socdaay labada dhinac ay muujiyeen iyo sameynta istiraatiijiyad dhammaystiran oo hagaysa qorshaha kala guurka Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ,si loo dhiso xafiis Q.M ay ku yeelato dalka, oo la mid ah kuwa ka dhisan dalalka kale, si loogu dhaqaaqo horukac barwaaqo leh, loogana guul keeno himillooyinka, loona gaaro horumar waara.