U bood dhigaalka

Maraykanka oo taageeray in hal sano lagu kordhiyo muddada taageerada Qaramada Midoobay ee AUSSOM

Sebteembar 18, 2026

Dowladda Mareykanka ayaa oggolaatay in Qaramada Midoobay ay hal sano oo dheeraad ah sii waddo taageerada saadka ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AUSSOM, sida lagu sheegay dukumenti diblomaasiyadeed ay heshay Reuters.

Qorshahan ayaa dhigaya in laga bilaabo Janaayo 2027 si tartiib-tartiib ah loo dhimo howlaha UNSOS, oo ah xafiiska Qaramada Midoobay ee taageera AUSSOM, halkii taageerada si degdeg ah loo soo afjari lahaa.

UNSOS ayaa AUSSOM u fidisa adeegyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin cunto, biyo, shidaal, gaadiid, adeegyo caafimaad, duulimaadyo iyo taageero farsamo iyo saadka.

Go’aankan ayaa AUSSOM siinaya waqti dheeraad ah oo ay ku qorsheysato mustaqbalka howlgalka, xilli ay weli jiraan caqabado dhinaca maalgelinta ah.

Qaramada Midoobay waxay hore u sheegtay in miisaaniyadda AUSSOM markii hore lagu qiyaasay $190.2 milyan sanadkii, inkastoo qiyaasta dambe lagu sheegay $166.5 milyan iyadoo lagu saleynayo heerka lacag-bixinta ciidamada.

AUSSOM ayaa hadda haysata mandate-ka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo soconaya ilaa 31 Diseembar 2026, iyadoo UNSOS-na loo igmaday taageerada saadka ee howlgalka muddadaas.