U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay furitaanka Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Sebteembar 22, 2026

NEW YORK — 22 Sebtembar 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qayb galay furitaanka Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, oo ka socota xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa madasha Golaha Guud kaga hadlaya horumarka Soomaaliya ay ka samaysay dhinacyada dowlad-dhiska, dimuqraadiyeynta, amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigaya mudnaanta Soomaaliya iyo dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo nabadda, amniga iyo iskaashiga caalamiga ah.

Ka qaybgalka Madaxweynaha ee kulanka ayaa qayb ka ah howlaha Soomaaliya ee shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, iyadoo madaxda dalalka adduunku ay magaalada New York kaga arrinsanayaan arrimo ay ka mid yihiin nabadda, amniga, horumarka iyo iskaashiga caalamiga ah.