U bood dhigaalka

Jubbaland: 30 Shabaab ah oo lagu dilay Howlgal ay fulisay Dowladda Soomaaliya

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa howlgal ay si wadajir ah uga fuliyeen gobolka Jubbada hoose Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland.

Howlagalkan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanno ku teedsan jiinka Wabiga ayaa waxaa uu ka dhacay deegaano hoos taga degmada Jamaame, waxaana lagu dilay in ka badan 30 kamid ah Al-shabaab halka lagu qabtay xubno ka tirsan kooxda oo ku dhow 10 sida laga soo xigtay saraakiisha.

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya xoogagga deegaanka iyo ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa kordhiyey howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab’ kuwaas oo inta badan ka dhacayay qeybo kamid ah maamulka Jubbaland muddooyinkii dambe.