U bood dhigaalka

Xildhibaannada Baarlamaanka oo Soo Gabagabeeyay  Ka Doodista Cutubka 3-aad Ee Dastuurka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 23-aad kalfadhiga 4-aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana kulanka Guddoomiyaha waxaa ku weheliyay Ku-xigeennada Labaad Aqal.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa ka doodista soo jeedimaha wax ka bedelka Dastuurka KMG ah, Cutubka 3-aad qodobadiisa 42-aad illaa 47aad, Xildhibaannada ayaa aragtiyadooda ka dhiibtay qodobada aqaar iyo sida ay tahay in waxkabdel loogu sameeyo.

Xildhibaannada iyo Sanatarrada ayaa ka dooday sii wadida dhameystirka cutubka saddexaad ee Dastuurka KMG ah oo ka hadlaya dhulka, hantida iyo deegaanka, waxayna mudanayaasha labada gole dood iyo aragtiyo wax ku ool ah ku biiriyeen wax ka beddelka Dastuurka gaar ahaan cutubka 3-aad oo maanta dooddiisa la soo gabagabeeyay.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo soo xiray kulanka maanta ayaa sheegay in dooda cutubka sedexaad lasoo gabagabeeyay isla-markaana la bilaabi doono cutubka afaraad, waxaana dardar xooggan ku socda dadaalka loogu jiro waxkabdelka Dastuurka.