U bood dhigaalka

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo Ku Dhawaaqday in Barri Soon ay Tahay

Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta Xukuumadda federalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in maalinta barri ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan ee 1445 kuna beegan 11-March 2024.

Bilashada ayaa laga arkay deegaanno dhowr ah sida ay warbaahinta ka sheegeen guddigii wasaaraddu u xilsaaratay, deegaannada laga arkay ayaa waxaa ka mid ah Koonfur Galbeed Hirshabeelle iyo Somaliland.