Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa dhaliyay hadal-heyn ku saabsan xaaladda amniga magaalada Muqdisho, kaddib markii safiirka Suudaan ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Khaliil lagu arkay isagoo gaari ku dhex maraya waddooyinka caasimadda, iyadoo aan muuqaalka laga arkin ciidamo ama gaadiid ilaalin ah oo la socda.
Muuqaalka ayaa muujinaya safiirka oo ku jira gaarigiisa, halka darawalku uu si caadi ah u wadayo gaariga, wuxuuna Safiirku sidoo kale wax ka iibsanayay maqaayad ku taalla magaalada Muqdisho.
Arrintan ayaa dhalisay su’aalo la xiriira heerka amniga Muqdisho iyo sida ay u kala duwan yihiin hababka ay dadka magaalada ugu kala duwan yihiin inay u socdaan gudaha caasimadda.
Diblomaasiyiinta iyo masuuliyiinta sare ee ku sugan Muqdisho ayaa adeegsada gaadiid ay la socdaan ciidamo ilaalo ah, gaar ahaan marka ay u socdaan goobaha muhiimka ah ama ay ka qeybgalayaan munaasabadaha dowladda.
Sidoo kale, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa inta badan magaalada ku dhex mara kolonyo gaadiid ah, iyadoo qaar ka mid ah gaadiidkooda ay yihiin kuwo gaashaaman, halka ciidamo hubeysan ay ka qeyb qaataan ilaaladooda.
muuqaalka safiirka Suudaan ayaa dadka qaar ku dhalisay inay isweydiiyaan sababta uu diblomaasi ajnabi ah ugu dhex safri karo qeybo ka mid ah Muqdisho isagoo aan muuqaal ahaan wadan ilaalin badan.
Si kastaba, muuqaal keliya lagama xaqiijin karo in safiirku aanu haysan wax qorshe amni ah ama ilaalin kale oo aan ka muuqan muuqaalka, balse kalsoonida ka muuqatay Danjire Cabdiraxmaan Khaliil ayaa muujinaysa sida laysugu halayn karo amniga caasimadda.