U bood dhigaalka

Caalamul Islaami oo Wadajir Looga Soomaya iyo Bulshooyinka oo Isugu Tahniyadeynaya

Dhammaan shucuubta kale duwan ee Muslimiinta ah eek u nool caalamka ayaa Maanta oo ah 11-ka bisha March, kuna beegan 1-da bisha barakeysan ee Ramadan ee sannadka 1445-ka Hijrada, ayaa inta badan waxaa ay u tahay maalinta koowaad bisha Ramadaan iyaga oo wadajir u soomaya.

Bilashada bisha Ramadan, ayaa laga arkay meelo badan oo Dunida ah oo ay ku jirto Soomaaliya marka la joogo waxaa bisha laga soo wariyay deegaanno ka tirsan Hirshabeelle Koonfur Galbeed Somaliland iyo Gaarisa waqooyi bari Kenmya waxaana jirta in manta dalka intiisa badan laga sooman yahay.

Dhammaan bulshada islaamka ayaa manta oo bisha ay koow tahay waxaa ay isaga hambalyeynayaan baraha ay bulshadu ku kulanto iyaga oo siweyn ugu faraxsan waxaana ay isku dhiiragelinayaan in aad loogu dadaalo afurinta walaalaha muslimiinta ah ee aan awoodin in ay helaan afurkooda.

Gudaha dalka Madaxda ugu sareysa dalka ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay  bilashada bisha Barakeysan ee Ramadaan iyagoo ugu baaqay in ay isku naxariistaan oo walalhooda aan awoodin wax ay kusoomaan ee danyarta ay ay hoos u eegaan inta lagu jiro bisha barakeysan.