U bood dhigaalka

Dood Ku Saabsan Arrimaha Dastuurka oo Lagu Qabtay Degmada Hodan

Wasiirka Wasaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  Mudane Xasan Macallin Maxamuud iyo Gudoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgalinta Dastuurka Mudane Burhaan Aadan Cumar ayaa Xarunta Degmada Hodan ka furay daadajinta doodaha dastuurka ee ka qaybgalka  Dadweynaha, kaas oo dhammaan degmooyinka Gobolka Benadir laga sameyn doono.

Daadajinta doodaha dastuurka ee ka qaybgalka dadweynaha ayaa ahmiyad weyn u leh in bulsho weynta Soomaaliyeed si guud ugu qeyb qaataan dooda dastuurka Wasaaradda iyo Guddiyada uxilsaaran  dastuurka ayaa soo waday muddo badan latashiyada bulshada Si loo helo dastuur dhameystiran.

Wasiir Xasan Macalin  ayaa carabka ku adkeeyay  in dalka la xisbiyeeyo ay nooga xirantahay qabyo tirka dastuurka ,dastuurkana ahayn mid ay ku daneysanayaan balse  dhameystir u ah dowladnimadeena asaga oo tilmaamay dastuurka dadweynaha leeyihiin ayagiina loo soo celiyay oo doodo wax ku ool ah ka sameynayaan.